Noqo xubin ka mid ah bulshada Somali Community e.V 

Ururkeennu wuxuu si gaar ah u taageeraa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Jarmalka, gaar ahaan kuwa u baahan caawinaad, talo, iyo hagid si ay u helaan nolol wanaagsan. Waxaan sidoo kale u furanahay qof walba oo u baahan taageero, ha noqdo qof cusub oo Jarmalka yimid, qoys u baahan talo, ama dhalinyaro raadinaya fursado shaqo, waxbarasho, ama isdhexgal bulsho.

Maxaan kuu qabankarnaa?

👉 Caawinaad la qabsiga Jarmalka – 

Diiwaan gelinta, sharciyada deganaanshaha, iyo fahamka nidaamka Jarmalka


👉 Taageero waxbarasho

 Koorsooyin luqadeed, kaalmo arday, iyo tababar xirfadeed


👉 Fursado shaqo & xirfad-barasho – 

Sidee loo helaa shaqo? Sidee loo dhisaa mustaqbal xirfadeed?


👉 Hagitaan dhalinyarada – 

Ka caawinta dhalinyarada inay helaan dariiq sax ah, laga ilaaliyo dhibaatooyinka sida kalinimada, takooridda, ama tahriibka


👉 Isboorti & dhaqanka – 

Barnaamijyo ciyaaro, dhaqanka Soomaaliyeed, iyo isku xirka dhalinyarada


👉 Kulan & xafladaha bulshada – 

Meel aad dadka kula kulanto, wax ka barato, oo aad dareento in aad tahay qeyb bulsho

Nala Soo Xiriir & Kana faa'idayso

Haddii aad u baahan tahay caawinaad, talo, ama xiriir bulsho, nala soo xiriir! Waan kuu dhageysanaynaa, waan kuu diyaar nahay, waxaana rabnaa inaan isku xoojino, isku taageerno, oo aan dhisno bulsho isku xirxiran.

📍 Xarunta: Munich, Germany
📞 Lambarka: +49 176 25478981
📧 Email: somalicommunityev0@gmail.com
🌍 Website: www.somali-community.com

since 1992

FOOMKA CODSIGA XUBINNIMADA

Dieses Feld ist obligatorisch

Dieses Feld ist obligatorisch

Ich bin damit einverstanden, dass diese Daten zum Zweck der Kontaktaufnahme gespeichert und verarbeitet werden. Mir ist bekannt, dass ich meine Einwilligung jederzeit widerrufen kann.*

Dieses Feld ist obligatorisch

* Kennzeichnet erforderliche Felder
Bei der Übermittlung Ihrer Nachricht ist ein Fehler aufgetreten. Bitte versuchen Sie es erneut.
Ich danke Ihnen! Wir werden uns so schnell wie möglich bei Ihnen melden.

Kontakt

Telefon: +49 176 25478981

E-mail: somalicommunityev0@gmail.com

Goobta: München, Deutschland

Wegbeschreibung

©Urheberrecht. Alle Rechte vorbehalten.

Wir benötigen Ihre Zustimmung zum Laden der Übersetzungen

Wir nutzen einen Drittanbieter-Service, um den Inhalt der Website zu übersetzen, der möglicherweise Daten über Ihre Aktivitäten sammelt. Bitte überprüfen Sie die Details in der Datenschutzerklärung und akzeptieren Sie den Dienst, um die Übersetzungen zu sehen.